Dallada Horumariyeyaasha Bulshada ee Caasimad Goboleedka (MCCD, Metropolitan Consortium of Community Developers) waxay raadinaysaa shaqaalaha daryeelka tooska ah ee bixiya adeegyada guriyeed iyo bulsheed (HCBS) ee loogu talagalay dadka naafada ah iyo dadka waayeelka ah si ay u codsadaan deeqda iskaashatooyinka ee Horumarinta Shaqaalaha HCBS. Deeqdu waxay abaalmarin u siin doontaa kooxaha la soo xulay lacag gaaraysa ilaa $90,000, oo la kala bixin doono laba sanno, si ay uga caawiso shaqaalaha daryeelka tooska ah inay dhistaan iskaashatooyin ganacsi ay shaqaaluhu leeyihiin (ama u beddelida ganacsi jira iskaashato shaqaaluhu leeyihiin).
Ku saabsan deeqda
Deeqda waxaa loo sameeyay si wax looga qabto caqabadaha la xiriira soo jiidashada iyo joogteynta shaqaalaha daryeelka tooska ah ee bixiya HCBS ee loogu talagalay dadka naafada ah iyo dadka waayeelka ah. Waxaa jira dhowr hindisooyin deeqeed ah oo la maalgeliyo iyadoo loo marayo deeqda shaqaalaha, mid ka mid ah waa fursadaha deeqaha ee iskaashatooyinka shaqaaluhu leeyihiin. Fursadda iskaashatooyinka waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo shaqaalaha daryeelka tooska ah ee hadda jira si ay si dheeraad ah ugu xakameeyaan jawigoodaa shaqo iyadoo loo marayo nooca ganacsi ee iskaashato shaqaaluhu leeyihiin.
Helitaanka
Waxa jira toban deeq oo ay heli karaan iskaashatooyinka shaqaaluhu leeyihiin. Deequhu waxay noqon kuwo loo loollamo. Lacagta deeqda ah ayaa loo qeybin doonaa si ku salaysan hadba baahida jirta, iyadoo la sugayo oggolaansho ka imaanaya bixiyaha gobolku magacaabay, MCCD.
Adeegsiga
Lacagaha deeqda ah waa in la adeegsadaa si loo taageero horumarinta iyo joogteynta iskaashatooyinka caafimaadka ama adeegyada aadanaha ee shaqaaluhu leeyihiin. Dadaallada horumarinta ganacsiga waxaa ka mid ah, balse aan ku xaddidnayn:
- Talo sharci
- Khidmadaha shatiyada
- Adeegyada la-talinta ee gaarka ah ee laga helo khubarada ganacsiga
- Qalabka iyo alaabaha ganacsiga
- Kharashaadka caymiska
- Mushaarka shaqaalaha ee bilawga ah (Intaad sugayso magdhawga laga helo gobolka Minnesota)
- Diiwaanka mushaarka ama softiweer kale
- Tababarka shaqaalaha
- Kharashaadka kirada dhismaha.
Kaalmada kale
Marka laga soo tago deeqaha iskaashatooyinka ay shaqaaluhu leeyihiin, MCCD waxay iskaashatooyinka siin doontaa adeegyada horumarinta ganacsiga iyo farsamada la xiriirta, oo ay ku jiraan balse aan ku xaddidnayn:
- Taageerida iskaashatooyinka marka ay horumarinayaan oo ay la socdaan qorshayaasha ganacsi.
- Bixinta tababbarka ganacsiga ee fool-ka-foolka ah iyo fogaan-aragga ah ee fasalka ku salaysan.
- Bixinta la-talin ganacsi oo weji-ka-weji ah.
- Bixinta adeegyada kaalmada farsamada, sida isku-xirka iskaashatooyinka iyo khubarada iyo agabka kale hadba sida loogu baahdo.
U-qalmitaanka codsadaha
Iyadoo la raacayo Sharciyadda Kal-fadhiyada Minnesota – 2021, Kal-fadhiga Khaaska ah ee 1aad, Qoddobka 17, Qeybta 20, kooxuhu waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan deeqda iskaashatooyinka ee shaqaaluhu leeyihiin haddii:
- Ugu yaraan hal ka mid ah xubnaha kooxda uu labaduba:
- Hadda u shaqeeyaa sidii shaqaaaha daryeelka ee tooska ah iyadoo loo marayo adeegyada guriga iyo bulshada ku salaysan (HCBS) ganacsi ama urur aan faa'iido doon ahayn ee loogu talagalay dadka naafada ah ama dadka waayeelka ah
- Qofka kasbado boqolkiiba 200 ama wax ka yar heerka saboolnimada federaalka, ee ku salaysan dakhliga iyo xirada xubnaha qoyska.
- Iskaashatadaadu waxay siin doontaa ugu yaraan hal adeegga HCBS dadka naafada ah ama dadka waayeelka ah.
- Iskaashatadaadu waxay yeelan doontaa ugu yaraan shan xubnood, ugu yaraan shanta xubnoodna kama imaan karaan isku qoys sida la mid ah xubin kasta oo kale oo ka mid ah iskaashatada.
Dukumiintiyada looga baahan yahay codsadeyaasha
Haddii codsigaaga loo xusho inuu horay u socdo, kahor inta aadan helin maalgelinta bilowga ah, waxaa lagaaga baahan doonaa inaad soo gudbiso:
- Nuqulka aqoonsiga gobolka ama federaalka ee laga rabo xubin kasta oo ka mid ah iskaashatada
- Dukumiintiyo muujinaya in ugu yaraan hal xubin uu buuxiyay shuruudaha u-qalmitaanka
- Xaqiijinta in xubin kasta oo ka mid ah iskaashatada ee bixin doona daryeel toos ah uu ka gudbi karo baaritaanka taariikheed ee DHS
- Saxiixyada dhammaan xubnaha iskaashatada ee ku qoran bayaanada “Waxaan caddeynaynaa…” ee ku taxan qeybta xigta (si kastaba ha ahaatee, hal ama laba xubnood oo keliya ayaa loo baahan yahay inay saxiixaan caddeymaha ku jira codsigan si loogu tixgeliyo deeqda).
Inta uu socdo barnaamijka, waxaa lagaa doonayaa inaad soo gudbiso:
- Xogta ku saabsan jawiga shaqo ee jira ee xubinta ka mid ah iskaashatada, oo ay ku jiraan balse aan ku xaddidnayn gunnooyinka iyo macaashyada, si loogu isticmaalo isbarbardhig ahaan si loo qiimeeyo guusha barnaamijka
- Xogta ku saabsan xubinnimada iskaashatada, dhaqdhaqaaqyada ganacsiga, dakhliga iyo faa'iidada, dadka loo adeego iyo macluumaadka kale si loo qiimeeyo guusha iskaashatada
- Baaritaanka taarikheed ee xubin kasta oo ka mid ah iskaashatada.
Iyadoo ay jirto inaan loo baahnayn baaritaanka taariikheed si loo bilaabo mashruuca deeqda ah, fadlan maanka ku hay in baaritaanka taariikheed la iskaga rabo ka qayb ahaan geedi-socodka shatiyeynta ee HCBS. Ku guuldareysiga ka gudbida baaritaanka taariikeed iyo/ama ku guuldareysiga xiga ee bilaabida iskaashatada ayaa uga baahan doontaa deeq-qaateyaasha inay MCCD u soo celiyaan lacagaha deeqda ah ee la helay. Fadlan ogow in dhammaan xukunnada fal-dembiyeed ayaa kaa dhigi doona mid aan u qalmin. Fadlan booqo mareegtan si aad u hesho macluumaad gaar ah: Daraasadaha taariikeed / Waada Adeegyada Aadanaha ee Minnesota (mn.gov).